Published On: Sun, Sep 11th, 2016

Faroole “Xasan Sheekh waa inuu saaka ka guuraa Madaxtooyada Somaliya

farooleC/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland iminkana ah musharax u taagan qabashada hogaanka dalka ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu saaka isaga guuro Madaxtooyada Somaliya.

Faroole oo xalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Garowe, ayaa sheegay inuu waqtiga ka dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, islamarkaana loo baahan yahay xilka madaxtinimada dalka inuu ku wareejiyo Afhayeenka Baarlamaanka Jawaari.

C/raxmaan Faroole ayaa sheegay wixii xilligaan ka dambeeya in Madaxweyne Xasan loogu yeero inuu yahay Madaxweynihii hore ee Somaliya, maadaama uusan ku taagneyn sifo sharci ah oo muuqda.

“Afartii sano ee Madaxweyne Xasan Sheekh xilka hayay waxay ku dhamaatay meel cidlo ah, dastuurka qodobadkiisa 91aad iyo 95aad wuxuu qabaa in afar sano ay ka dhamaatay, isla markaana xafiiska baneeyo, kuna wareejiyo Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka”ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Isaga oo hadalka siiwata C/raxmaan Faroole ayaa wuxuu sheegay Madasha Wadatashiga Qaran 9-kii Bishii August in si sharcidaro ah muddo kororsiimo ay ugu sameeyeen Madaxweynaha Somaliya, taasina aysan aheyn sifo sharci ah.

“9-kii Bishii August ayeey Madasha Wadatashiga Qaran waxa ay sifo aanan sharci aheyn muddo kororsiimo ugu sameeyeen Xasan Sheekh Maxamuud.” Ayuu yiri Faroole.

Musharaxiinta u taagan qabashada hogaanka dalka ayaa ku baaqaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu baneeyo xilka Madaxtinimada dalka, maadaama waqtigiisa si sharci ah uu ku dhamaaday.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300