Published On: Fri, Sep 9th, 2016

Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay Nukliyeer dhaliyey dhulgariir

kuuriyada-waqooyi

Wakaaladda wararka Yonhap ee Kuuriyada Koofureed oo soo xiganaysa ilo aan la sheegin waxay ku warramaysaa in arrintaas ay u badan tahay inay ahayd tijaabo nukliyeer.

Hore ayaa waxaa u jiray dhul gariirro dad-samee ah oo xajmigaas leh, kuwaasoo ka dhacay isla goobta tijaabada laga sameeyey, laakinse wax xaqiijin ah lagama hayo Kuuriyada Waqooyi.

Sawirro dayax-gacmeed lagu qaaday iyo xog sirdoon ayaa muujinaya in dhaqdhaqaaq uu ka jiray goobta nukliyeerka ee Punggye-ri, kaasoo la leeyahay waa tijaabadii 5aad. Jimcaha waxay sidoo kale tahay maalinta qarannimada ee dalkaas, ayadoo loo dabaal dagayo markii uu billowday hogaanka rajiimka. Kuuriyada Waqooyi waxay munaasabadahan oo kale u adeegsataa inay ku soo bandhigto awooddeeda ciidan.

Hay’adda daraasaadka lakabyada dhulka ee Maraykanka ee la socota dhaqdhaqaaqyada lakabyada dhulku waxay sheegaysaa in gariirka waqooyiga bari ee dalkaas laga dareemay uu qarax ka dhashay, laakiin ma aysan sheegin nooca qaraxa. Maraykanku wuxuu sheegay inuu isha ku hayn doono waxa ay noqon doonto sababta qaraxa.

Ra’iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe, wuxuu shir jaraa’id ka sheegay in Japan ay cabasho u gudbisay Pyongyang. Wuxuu sheegay in tallaabadan aan loo dulqaadan karin

Kuuriyada waqooyi Qaramada Midoobay ayaa ka mamnuucday inay samayso wax tijaabo ah oo ku saabsan nukliyeer ama tiknoloojiyada gantaallada, laakin bilihii dhowaa waxay wadday inay tijaabiso gantaallada ballistigga, ayadoo hanjabaadana u jeedinaysay waddamada aysan isku fiicnayn.

Tijaabadii ugu dambeysay ee ay samaysay January ayaa la aaminsan yahay inay ahayd bam hydrogen ah, hase yeeshee tijaabada iminkana waxaa loo arkaa inay tahay tii ugu xoogga badnayd ee ay abid samayso.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300