Published On: Thu, Sep 8th, 2016

Trump oo ballan qaaday inuu xoojinayo awoodda militariga Maraykanka

donald

Musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada Mareykanka, Donald Trump, ayaa Philadelphia ka sheegay in haddii uu ku guulaysto doorashada uu ballaarin doono dhammaan waaxyaha ciidamada milateriga Mareykanka.

Trump oo ka hadlayay Philadelphia ayaa ku baaqay in dalka loo qoro ciidamo badan, oo loo sameeyo diyaarado, doomo iyo ciidamo badda ah oo dheeraad ah.

Waxa uu sidoo kale ballan qaaday in 30-ka maalmood ee ugu horreysa marka uu qabto Aqalka Cad uu la iman doono qorshe uu ku burburinayo Kooxda Dowladda Islaamiga ah.

Mr Trump ayaa siyaasaddiisa ku tilmaamay wax uu ugu yeeray inay tahay “nabad awood ku timid” isagoo tilmaamay in Mareykanku uu door muhiim ah ka ciyaari karo horumarinta ammaanka isagoo xoojiya milaterigiisa.

Sidoo kale Trump waxa uu doonayaa in dhammaan xulafada Mareykanka ee NATO inay ka soo baxaan waajibaadkooda oo ay boqolkiiba 2 dakhligooda ku kharash gareeyaan difaaca.

Waxa uu sheegay inuu rajaynayo ixtiraam iyo lacag badan oo laga helo dalalka kale.

Hasayeeshee haweenayda u sharaxan Xisbiga Dimuqraadiga, Hillary Clinton, ayaa su’aal galisay kartida uu ninkan ay tartamayaan ku noqon karo taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka, waxaana ay sheegtay in codbixyayaasha Mareykanka ay u arkaan inuu khatar ku yahay dalka.

Mrs Clinton waxa ay qiratay in emailadeedii la jabsaday ay Mareykanka ka noqotay hadalhaynta siyaadadeed, hasayeeshee waxa ay sheegtay inaanay jirinba qaab ay ku caddeyso in ay dhibane u noqotay dambi internetka ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300