Published On: Thu, Sep 8th, 2016

Taliyaha Ciidamada Amisom iyo Abaanduulaha Xooga dalka oo gaaray Cadaado

timthumb

Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in maanta halkaasi ay gaaren Wafdi ka socda Amisom iyo Taliska ciidanka Xooga dalka Somaliya.

Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminaya Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Somaliya Cali Baashi, waxaana qayb ka ah Taliyaha ciidanka Amisom Subagle iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya.

Markii ay tageen Wafdigaasi Magaalada Cadaado, ayaa waxaa la geeyay Madaxtooyada Magaaladaasi, halkaasi oo kulamo ay kula leeyihiin masuuliyiinta Maamulka Galmudug.

Ujeedka socdaalka masuuliyiintaan ay ugu tageen Magaalada Cadaado ayaa wararka waxa ay sheegayaan inay tahay sidii looga hadli lahaa ammaanka Magaalada Cadaado oo ka mid ah goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka.

Sidoo kale Ujeedka socdaalkooda ayaa lagu sheegay inay tahay dhiiragelinta ciidanka 21-aad ee ku sugan Gobolka Galgaduud.

Ammaanka Magaalada Cadaado ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo kulanka Saraakiishaan iyo Madaxda Galmudug uu ka socdo Madaxtooyada, welina Saxaafadda aysan jirin cid faah-faahin rasmi ah ka siisay

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300