Published On: Thu, Sep 8th, 2016

Puntland oo awaamiir adag ku soo rogtay gaadiidka dadweynaha

puntland

Maamulka Puntland, ayaa waxaa uu maanta soo saaray awaamiir cusub oo ka dhan ah gaadiidka dadweynaha, ee ku dhex socdaalaaya Deegaanada Puntland, iyadoo laamaha ammaanka lagu wargeliyay in si adag u baaraan gaadiidkaasi.

Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland, C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey), ayaa waxaa hay’adaha amniga lagu amray inay baaritaano adag marsiiyaan wadayaasha gaadiidka, rakaabka iyo inay diiwaangeliyaan taargooyinka baabuurta.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland, C/laahi Maxamed Jaamac (Quraanjecel) oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe, ayaa Warbaahinta ka akhriyay qodobada ku qoran Wareegtadaasi.

Wasaaradaha Amniga, Arrimaha Gudaha, Hawlaha Guud & Gaadiidka, Gudoomiye-yaasha Gobolada & Degmooyinka iyo Taliyaha Booliska, ayaa waxaa lagu wargeliyay inay baaraan rakaabka la socda gaadiidka dadweynaha ee dhex mara Deegaanada Puntland, isla-markaana ay ku diiwaangeliyaan kontoroolada magacyada rakaabka, wadayaasha gaadiidka, nambarada gawaarida, goobaha ay ku sii jeedaan iyo goobaha kale ee ay ka yimaadeenba.

Sidaasi daraadeed, ayaa waxaa dhinacyadaasi la faray in ay u hogaansamaan awaamiirtan cusub, iyadoo la ilaalinaayo sharafta muwaadiniinta, lana waafajinaayo sharciga amniga dalka ee kala wareejinta gaadiidka.

Sharcigan, ayaa waxaa lagu sheegay mid ilaalinaayo u kala gudbidda gawaarida ee Puntland iyo Koonfurta Somaliya.

Sidoo kale wadayaasha gaadiidka dadweynaha, ayaa waxaa lagu amray in ay iska diiwaangeliyaan Saldhigyada Booliska Degmooyinka, ee ay ka rakaabsadaan, marka ay rakaabka geeyaan goobaha ay ku sii jeedaan, si loo siiyo warqadda cadaynta ay markale ku rakaabsan karayaan.

Ugu dambeen ciidamada ka shaqeeya nabadgelyada, ayaa waxaa la amray cid kasta oo ay ka shakiyaan amaba aan haysan damaanad cad, in ay geeyaan xarumaha laamaha ammaanka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300