Published On: Thu, Sep 8th, 2016

Dowladda Mareykanka oo sheegtay in ay dishay xubno ka tirsan Al-Shabaab

chop

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn ay ka fulisay dalka Soomaaliya in ay ku dishay 4 xubnood oo ka tirsan uruka Al-Shabaab.

War kasoo baxay Wasaarada difaaca ayaa lagu sheegay in howgalkaasi la fuliyay todobaadyadii la soo dhaafay.

Dowladda Mareykanku waxa ay qirtay in howgalkaasi ay ka qeyb qaateen Ciidanka si gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya , islamarkaana ay muddo la dagaalameen dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Genever Derekiz oo ah afhayeenka ciidanka Mareykanka ee Qaarada Afrika ayaa sheegtay in la dilay 4 xubnood oo muhiim ah  oo ka tirsan Al-Shabaab duqeyn ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya.

Todobaadkaan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale ciidamo Mareynkan ah ayaa la sheegay in ay howgal qorshaysan ay ka fuliyeen deegaanka Toora-Tooroow ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dowladda Soomaaliya ayaa Todobaadkan ayaa sheegay in howgal qorshaysan oo ay ka qeyb qaateen ciidamo Ajaanib ah in ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ay ka mid yihiin Madaxii Shabeellaha Hoose u qaabilsanaa Al-Shabaab , Madaxii Canshuuraha , Madaxii Garsoorka Shabeelaha Hoose iyo xubno kale.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300