Published On: Wed, Sep 7th, 2016

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ciidamada Dowladda iyo Shabaab ku dhexmaray Galgaduud

timthumb (1)

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo xalay ciidamada Dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Shabaab ku dhexmaray deegaanka Bud-bud oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Dagaalkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidamada Amisom, gaar ahaan kuwa Itoobiya shalay gelinkii dambe ay isaga guureen fariisin ciidan oo halkaasi ay ku lahaayeen, waxaana taasi ay keentay xalay Shabaabka inay soo weeraraan Deegaanka.

Ciidamada Shabaabka ayaa deegaanka Bud-bud Madaafiic ku garaacay ka hor inta uusan dagaalka bilaaban, waxaana xigay Madaafiicda dagaal culus oo Shabaabka ay ku soo galeen gudaha Magaalada.

Ciidamada Dowladda iyo Shabaab ayaa gudaha magaalada waxaa ku dhexmaray dagaalka culus, waxaana halkaasi ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Wararka waxa ay sheegayaan ku dhawaad 8 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah inay halkaasi ku dhinteen, halka ay jiraan tiro intaasi ka badan oo dhaawacyo ah.

Dadka deegaanka waxa ay sheegeen xalay inaysan seexan oo ay haysay cabsi xoogan oo ku aadan in markale dagaalka la isku soo noqdo oo dhinacyada ay isku adeegsadaan hubka culus.

Deegaanka Bud-bud oo ka tirsan Gobolka Galgaduud waxaa ku sugan oo gacanta ku haya ciidamada Dowladda Federalka Somaliya, sida Saraakiisha ciidanka qaar ay inoo xaqiijiyeen.

Xaalada Deegaanka ayaa aad u degan, inkastoo ay muuqdaan saameyntii ka dhalatay dagaaladii cuslaa ee xalay ka dhacaayay deegaankaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300