Published On: Fri, Sep 2nd, 2016

Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay in isku tashi la sameeyo

axmed-madoobe

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in uusan jiri doonin wax isbedel ah oo lagu sameeyo Doorashada Soomaaliya ee sanadkan la filayo in ay dhacdo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Doorashada ay dhaceyso waqtigii loogu tala galay oo ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran iyo Guddiga Doorashooyinka Dalka.

Axmed Maxamed Islaam oo mudoyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa kulamo siyaasadeed la qaadanayay siyaasiyiinta iyo Madaxda Dowladda Federaalka, waxaana warar dhowaanahan soo baxayay ay sheegayeen in wax ka bedel lagu sameynayo heshiiskii ay gaareen Madasha Qaran.

Siyaasiyiinta iyo sidoo kale Musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Dalka oo walaac badan ka muujinayay in sibedel lagu sameeyo arimaha Doorashooyinka la xiriira, ayaa waxaa arimahaasi been abuur ku tilmaamay Madaxweynaha Jubbaland.

7-da Bishan ayaa la filayaa in Madasha Wadatashiga Qaran ay kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho, waxaana kulankaas uu yahay midka ugu dambeeya oo ay yeelanayaan Madaxda Soomaalida.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300