Published On: Fri, Sep 2nd, 2016

Dowladda “Dagaal ka dhan ah Shabaab ayaa bilaabanaya

ka dhan

Wasaarada Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la dar dar gelinayo Dagaalada Dowladda Soomaaliya ay kula jirto ururka Al-shabaab ee ka soo horjeeda Dowladda sidoo kalena Dagaalka kula jira ciidanka AMISOM.

Afhayeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya C/casiis Xaaji Goob-doon oo la hadlay warbaahinta shirkii Golaha Wasiirada ay shalay yeesheen kadib ayaa sheegay arintaasi in ay balan qaaday Wasaarada Gaashaandhigga, isagoo sidoo kale sheegay in uu bilaaban doono markale Howlgal ka dhan ah Shabaab.

Ururka Al-shabaab ee ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ayaa weli waxaa jira Deegaano ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo ay ku xoogan yihiin, iyagoo sidoo kale weeraro ka geysta caasimada Dalka oo ay Dowladdu ku shaqeyso, waxaana ugu dambeeyay weerarkii loo adeegsaday Gaariga Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ee ka dhacay Iridka Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo sidoo kale bur bur xoogan u geystay Hotelka SYL.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300