Published On: Wed, Aug 31st, 2016

Wasiirka Amniga “Hotelka hadii uusan amniga qofka suggi karin inuu furnaado ma’ahan

ho

Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed oo ka hadlaayay ammaanka Hotelada Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay hadii Maamulka Hotelka aysan xaqiijin karin ammaanka dadka isugu imaanaayo Hotelka in aanan loo baahneyn inuu sii furnaado Hotelkaasi.

Wasiir C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay masuuliyada amniga Hotelada inay saaran tahay dadka Milkiilayaasha oo looga baahan yahay inay sameystaan ciidamo gaar ah oo amniga Hoteladooda xaqiijiya.

Waxa uu sheegay dhibaatada amni ee ka dhacda Hotelada Muqdisho kaliya inaanan dusha loo saari karin Hay’adaha ammaanka Dowladda, balse qayb ka mid ah dhaliisha ay leeyihiin masuuliyiinta Hotelada.

Hal mid ayaan rabaa inaan sheego dadka shacabka ah ee Hoteelada isugu imaanaayo ee degan, hadii Hotelka amniga qofka uusan suggi karin inuu furnaado ma’ahan marka taas in la ogaado ayaan rabaa ma’ahan dhibkii dhaca in la dhaho Hay’adaha amniga ayaa masuuliyadaasi iska leh in la dhaho lama rabo, shacabka goobaha Makhaayadaha iyaga inay amnigooda suggaan ayaa la rabaa sida ay rabaan haku sugaan.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Wasiirka ayaa tilmaamay masuuliyada saaran Wasaarada Amniga inay tahay keenista siyaasada suggida ammaanka, waxaana uu sheegay in Hotelada ay u geeyeen qorshooyin amnigooda ay ku sugayaan.

Hadalkiisa ayaa intaasi wuxuu ku daray qorshooyinka amniga ay ku sugayaan ee ay u geeyeen Hotelada inay qayb ka tahay in Hotelka ugu yaraan uu lahaado labo Difaac, hadii dhib la dhaho laga difaaco karo Hotelka si loo badbaadiyo dadka Hotelka ku jira.

Al Shabaab ayaa shalay qarax Ismiidaamin ah oo gaari xamuul ah u adeegsaday weerarkii Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho, xilliga weerarka dhacaayay Wasiirka Amniga iyo masuuliyiin kale oo Dowladda ka tirsan ayaa ku sugnaa Hoteelkaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300