Published On: Wed, Aug 31st, 2016

Guddoomiyihii Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo Muqdisho ku geeriyooday

breaking-news

Waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Guddoomiyihii Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Federalka Somaliya Cali Maxamuud Ibraahin (Cali Dheere) oo muddooyinkii dambe ku xanuunsanaayay Magaalada Muqdisho.

Cali Dheere ayaa la sheegay waayahanba inuu la jiifay xanuun haayay, kaasi oo ugu dambeyn keenay in xalay uu u geeriyoodo sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan ehelada Marxuumka

Guddoomiyihii Guddiga Shaqaalaha rayidka Dowladda Somaliya oo sanadihii dambe ku mashquulsanaa dib u habeynta Shaqaalaha rayidka Dowladda ayaa xalay ifka ka tagay.

Waxa uu ahaa shaqsi howlkar ah, islamarkaana aad u jeclaa Shaqaalaha Rayidka Dowladda inay helaan xuquuqda ay ku leeyihiin Dowladda ee Mushaaraadka.

Marxuumka ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho, waxaana aaskiisa ka qaybgalaya xubno ka tirsan Dowladda.

Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda Somaliya ayaa ka tacsiyadeysay geerida ku timid Marxuum Cali Maxamuud Ibraahin (Cali Dheere).

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300