Published On: Tue, Aug 30th, 2016

Wasiirada iyo Xildhibaanada ku dhaawacmay weerarkii SYL

syl2Waxaa faahfaahin dheeraad ah ay ka soo baxeysaa weerarka Qaraxa loo adeegsaday ee barkhanimdii maanta lagu qaaday Hotelka SYL ee ku yaalla afaafka hore ee Madaxtooyda Soomaaliya.

Xilliga weerarka lagu qaadayay Hotelka SYL ayaa waxaa ka socday shir looga hadlayay amniga, sidoo kale waxaa halkaasi ku sugnaa Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee Dowladda Soomaaliya iyo Wariyeyaal ka howlgala warbaahinta Dowladda.

Weerarka Qaraxa loo adeegsaday ayaa waxaa ku dhaawacmay Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee Dowladda Soomaaliya iyo Wariyeyaal ka howlgala warbaahinta Dowladda.

Waxaa bur bur xoogan uu soo gaaray Dhismaha Hotelka SYL iyo sidoo kale Guryaha halkaasi ka agdhowaa.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO HOOSE MAGACYADA WASIIRADA, XILDHIBAANADA IYO WARIYEYAASHA KU DHAAWACMAY WEERARKII SYL.

Wasiirka Dekadaha Mudane Nuur Faarax.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow
Xildhibaan Sugule
Xildhibaan Seynab Maxamed Caamir
Agaasimaha Idaacadda Gobolka C/fataax Arizona
Wariye Maxamed Abuukar Mada = (Warbaahinta Dowladda)
Wariye Cabdi Aadan = (Warbaahinta Dowladda)
Wariye C/fataax jeyte = (Warbaahinta Dowladda)
Wariye Mamaxed Xasan National = (Warbaahinta Dowladda)
Wariye Maxamuud Cali Xaaji (Saxafi yare) = (Goobjoog)

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300