Published On: Tue, Aug 30th, 2016

DegDeg: Qarax goor dhow ka dhacay Afaafka hore ee Madaxtooyada, Muqdisho

syl

War Hadda soo dhacay ayaa sheegaya in goor dhow qarax xoogan oo qasaare kala duwan geystey uu ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa loo adeegsadey gaari laga soo buuxiyey waxyaabo qarxa, kaasi oo sida la sheegay ku qarxey afaafka hore ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Wararku waxay leeyihiin wadada laamiga ah ee u dhaxeysa Hoteelada Siyaad iyo SYL ee tagta umbalatooriyada Ceel Gaab ayaa qaraxa uu ka dhacay.

Hoteelada Siyaad iyo SYL dhinaca soo xigta wadada laamiga ayaa wararku sheegayaan in bur bur xoogan uu qabsadey.

Ciidamada dowlada aya rasaas ridaya.

Lama ogaan karo qasaaraha ka dhashay weerarkani, maadaama warka ugu horeeya aanu haddda helnay.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Maalin ka hor ay ciidamada Nabad sugida sheegeen in ay qabteen gaari waxyaabo qarxa laga soo buuxiyey oo la doonayay in qarax lagu sameeyo.

Dhinaca kale, Maalmo ka hor ayay ahayd markii Weerar Qarax ah lala beegsadey Baar ku yaala Liido.

Wuxuu sidoo kale, ku soo beegmayaa xilli xalay ay hay’ada Nabad sugida soo banadhigtey sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa Alshabaab oo isku soo dhiibey.

Wixii ku soo kordha waan idin soo gudbineynaa

syl1 syl2 syl4 syl5

 

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300