Published On: Sun, Aug 28th, 2016

Xabad Joojin looga dhawaaqay dalka Colombia

you-2

Fallaagadda FARC ee dalka Colombia ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay shaacinta xabbad-joojin kama dambeys ah.

Tallaabadan ayaa bilow u ah hannaan lagu soo afjarayo dagaalka muddada 50-ka sano ah ka socda dalkaasi, isla maraakana ay fallaagadaasi ku noqoneyso dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo sharci ah.

Axada maanta ah ayaa hogaamiyaha FARC oo loo yaqaano Timochenko, waxa uu shaacin doonaa xabbad-joojin dhaqangeli doonta saqda dhexe ee caawa, xilligaasi oo ku beegan marka uu madaxweynaha Colombia ku amray ciidanka in ay xabbada joojiyaan.

Heshiiska labada dhinac oo maalmo ka hor lagu gaaray caasimadda Havana ee dalka Cuba ayaa u baahan in lagu ansixiyo afti dadweyne oo Colombia ka dhici doonta 2-da bisha Oktobar.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300