Published On: Fri, Aug 26th, 2016

Ciidamada Gaashaan oo soo afjaray weerarkii maqaaxida Banadir Beach

nisa

Ciidamada Alpha Group iyo Nabad Suggida oo leesku yiraahdo (Gaashaan), ayaa 3-dii aroornimo ee saakay soo afjaray weerarkii fiidnimadii xalay lagu qaaday maqaaxida Banadir Beach.

Hawlgalka lagu soo afjaray weerarkaasi, ayaa qaatay sideed saacadood oo xiriir ah, iyagoo dilay qaar ka mid ah raggii weerarka soo qaaday, waxaana suurtagashay inay nolosha ku qabteen mid ka mid ah raggaasi.

Korneyl Bishaar Abshir Geedi, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, ayaa xaqiijiyay in saacado badan ka dib laga takhalusay dableydii weerarkan soo qaaday.

Taliyaha, ayaa sheegay in Ciidamada Gaashaan ay gudaha u galeen maqaaxida Banadir Beach, isla-markaana ay xaqiijiyeen ammaanka maqaaxidaasi, ka dib markii ay kula dagaalameen dableyda ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Taliye Ku Xigeenka Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), Ismaaciil Cismaan, ayaa sheegay ka hor intii aan hawlgalka la soo gaba gabeen in dab uu ka kacay saqafka sare ee maqaaxida.

Saraakiisha Booliska iyo Nabad Suggida, ayaa waxay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, balse ay si rasmi ah Saxaafadda uga sheegi doonaan saacadaha soo socda.

Waxaase soo baxaaya warar sheegaaya in dad rayid ihi ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen weerarkaasi, inkastoo ay adag tahay in xoggo dheeri ah laga helo inta uu khasaaruhu gaarsiisan yahay. Banadir Beach waxaa ka muuqanaaya burbur baaxad leh oo weerarka ka soo gaaray.

Ururka Al Shabaab oo ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Dhexe Somaliya, ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka ka dhanka ah xasiloonida Magaalada Muqdisho. Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay in xoogagoodu ay weerareen baar ay ku caweynayeen Saraakiil iyo ciidan ka tirsan Dowladda Somaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300