Published On: Tue, Aug 23rd, 2016

Wiil yar oo Soomaali oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay Sweden.

 YUUSUF-ABDIWAXIID-WARSAME

Boliska dalka Sweden ayaa sheegay inuu Wiil Somali oo 8 jir ku geeriyooday Bam-gacmeed Waaberigii hore ee shalay oo Isniin ahayd lagu tuuray Dhismo ay Qoys Soomaali ah ka deggan yihiin Deegaanka Biskopsgarden ee magaalladda Gotternburg.

Wiilkaasi ayaa la oran jirey Yuusuf C/waxiid Warsame, kaasi oo ay Waalidkiisa deggan yihiin magaalladda Birmingham ee dalka Britain.

Wargeyska The Local ee ka soo baxa dalka Sweden ayaa qoray in abaarihii 3-dii Habeenimo ee Saqdii dhexe ee habeen hore qarax xooggan laga maqlay Dabaqa 3-aad ee Dhismaha ay ku sugnaayeen dhowr qof oo Soomaali ah.

Qaraxaasi waxa uu dhaawac halis ah gaarsiiyey wiil Somali oo 8 jir ah, kaasi oo ku geeriyooday Isbitaalka.

Mid ka mid ah Goobjoogayaasha oo la hadlay Wargeyska Goteborges Posten ayaa sheegay inuu qaraxaasi ka dhashay Bam-gacmeed.

Madaxa Warbaahinta ee Boliska Sweden. Ulla Brehm ayaa u xaqiijiyey Wakaalladda Wararka ee TT News Agency inuu Wiil yar ku geeriyooday qaraxaasi oo ah Bam-gacmeed lagu soo tuuray Dhismahaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay baaritaan ku hayaan qaraxa lagu dilay Wiilka yar ee Soomaaliga, mana jirto cid loo soo qabtay Qaraxaasi.

Dhinaca kale, Baaritaan hordhac ayaa sheegay inay Dhismahaasi ku noolaayeen Shaqsiyaad Dembiilayaal ah oo horey dilal u geystay, sida ay sheegeen Boliska magaalladda Gotternburg.

Wargeyska Maalinlaha ee GT Daily ayaa qoray in mid ka mid ah ragga la eedeynayo uu ku lug lahaa Toogasho sannadkii hore ka dhacday Baar ku yaalla Deegaankaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300