Published On: Tue, Aug 23rd, 2016

Ilaaladda Xuduudka Kenya oo la kordhiyey si ay uga hortagaan Weeraradda Alshabaab ee Taawaradda Isgaarsiinta

AMBASSADOR-M.SALAH_-640x480

Xiriiriyaha Gobalka W/bari Kenya, Mohamoud Salah ayaa ka shanqariyey in la xoojiyey Ciiddanka ilaaladda ka haya Xuduudka ay Kenya la wadaagaan dalkeenna Somalia, si ay uga hortagaan Weeraradda Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab la beegsadaan Xarumaha iyo Taawaradda Isgaarsiinta Kenya.

Waxa uu tilmaamay in Weerarkii ay Alshabaab ku qarxiyeen Taawaradda Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ku leedahay Deegaanadda Lafeey iyo Fiino ee Degmadda Mandera looga dan lahaa in lagu curyaamiyo Hawlagalladda lagu sugayo Ammaanka W/bari Kenya.

Xiriiriyaha Gobalka W/bari Kenya, Mohamoud Salah waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu Xafiiskiisa kula kulmo Hanti-dhowraha Guud ee Dowladda Kenya, wuxuuna xusay inay dhowr weerar dhaceen 14-kii bilood ee la soo dhaafay.

Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay inay Alshabaab qorsheynayaan inay qarxiyaan Dhuumaha iyo Ceelasha Biyaha ee Degmooyinka W/bari ee Kenya, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuuna intaasi ku daray inay ku guuleysteen inay ilaalo ka qabtaan sidii loo sugi lahaa Ammaanka Tubooyinka Biyaha iyo Adeegyadda kale ee Gobalka W/bari Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, Dagaalamayaasha Alshabaab waxay dhowr jeer horey u jaraan Isgaarsiinta W/bari Kenya, si ay fuliyaan Hawlgalladda ay ka fuliyaan gudaha dalkaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300