Published On: Mon, Aug 22nd, 2016

Soomaali Jaad la Qalajiyey gelinayay Dalka Mareykanka oo la Maxkamadeynayo.

khaat-640x457

Maxkamadda magaaladda Bloomington ee dalka Maraykanka ayaa la soo taagay Labo nin oo Somali-Maraykan, kuwaasi oo lagu qabtay Qaad la qalajiyey, oo culayskiisu dhamaa 150 Pound laguna qiimeeyey lacag dhan 81,000 oo Dollar.

Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo Cawil Aadan oo 28 jir ah, Maxamed O. Samantar oo 61 jir ah, kuwaasi oo ay Boliska Gobalka Illinois soo xireen bishii June ee sannadkii hore ee 2015-kii.

Labada Eedeysane oo ku dhashay magaalladda Minneapolis ee Gobalka Minnesota ayaa la qabtay iyagoo watay gaaari ay kireysteen, oo ay ku tahriibinayeen Shixnadda Qaadka.

Boliska waxay kaloo Maxkamadda ka hor sheegeen inay Raggaasi qabteen xilli ay ka yimaadeen Georgia, kuna sii jeedeen Gobalka Minnesota.

Eedeysanaha Maxamed O. Samantar ayaa lagu soo oogay inuu Tahriibinayey. Isla markaana dadka u geynayey Qaadka Qalalan ayaa la sheegay inuu muteysan karo Xabsi u dhexeeya 12 ilaa 60 sanno.

Eedeysanaha kale ee Cawil Aadan ayaa Maxkamadda ka hor qirtay Dembiga lagu soo oogay, waxaana la hadal hayaa inuu muteysan doono Xabsi u dhexeeya 4 ilaa 15 sanno.

Dhinaca kale, Hadal Qoraal oo ka soo baxay Maxkamadda magaalladda Bloomington ayaa lagu sheegay in Labada Eedeysane mar kale la soo maxkamadayn doono bisha soo socota ee September 30-da, si loogu dhawaaqo Xukunka ay muteysteen.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300