Published On: Mon, Aug 22nd, 2016

Ciidamada Koonfur Galbeed iyo Shabaab oo dagaal culus ku dhexmaray Gobolka Baay

Breaking1

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Baay, ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Al Shabaab ayaa saaka dagaal wuxuu ku dhexmaray duleedka Degmada Qansaxdheere ee Gobolkaasi.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed oo ka dhaqaaqay Degmada Qansaxdheere, islamarkaana u baxay sida masuuliyiinta ay sheegeen fulinta howlgalo qorsheysan dagaal ay kala hor yimaadeen dagaalyahanada Shabaabka.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dhacay deegaan 30-KM u jira Degmada Qansaxdheere, sida uu sheegay Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen.

Waxa uu sheegay dagaalkaasi in lagu laayay dagaalyahano badan oo Shabaab ka tirsan, kadib markii ciidamada si adag ay ula dagaalameen waa sida uu yiri.

“Deegaan hoos yimaada Degmada Qansaxdheere waxaa ka dhacay dagaal, cadowgana waa laga adkaaday dad tiro badana waa looga dilay, ciidankeena waxba ma soo gaarin, laakiin cadowga dhibaato badan ayaa la gaarsiiyay, kuwa badan oo meesha go’doomin jiray ayaa la dilay Saxaafaddana waa loo soo bandhigi doonaa.” Ayuu yiri Wasiir Xasan.

Wasiirka ayaa sheegay kulan shalay ay isugu yimaadeen Madaxda Koonfur Galbeed lagu go’aamiyay qaadista howlgalo ka dhan ah Ururka Shabaab si loo baneeyo deeganada ay go’doomiyeen Shabaab.

Xoogaga Shabaab ayaa go’doon adag geliyay Degmooyin ka tirsan Koonfurta Somaliya oo ciidamada Amisom iyo  kuwa Koonfur Galbeed ay joogaan, halkaasi oo Shabaabka ay diideen gaadiid inay galaan sidoo kalena ay ka soo baxaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300