Published On: Sun, Aug 21st, 2016

Daawo Sawirada Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

5-4-768x432

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxyo xoogan oo saakay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaar ahaan dhanka Waqooyi.

Labo Gaari oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa lagu weeraray dhismaha dowladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale Xerada Dayax oo ah goob aad u mashquul badan.

Inta la xaqiijiyay ilaa hada waxaa ku dhintay Qaraxyada ka dhacay Gaalkacyo ku dhawaad 15 qof sida ay sheegeen qaar ka mid ah madaxda waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Xildhibaanada golaha deegaanka magaalada Gaalkacyo ayaa lagu soo waramaya  in ay shir ku lahaayeen xarunta dowladda Hoose markii ay Qaraxyadu dhacaayeen.

Madax ka tirsan maamulka Gobolka Mudug ama Puntland oo ku dhintay ilaa iyo hada lama sheekin , inkastoo gurmad xoogan oo lagu daad gureynaayo dhaawacyada uu ka socda magaalada Gaalkacyo .

Maamulka Isbitaalka magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in la soo gaarsiiyeen ku dhawaad 20 qof.

Ciidamada Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa dadka ku kala ceyrinaya rasaas xoogan oo ay ridayaan, taasi oo qal qal hor leh ku abuurtay Bulshada.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA

6-2-768x432 1-6-768x432 2-6-768x432 3-6-768x432 4-6-768x432

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300