Published On: Fri, Aug 19th, 2016

Madaxweyne Xasan oo Villa Somalia ku qaabilay Xoghayaha Guud IGAD

Madaxtooyo1

Madaxweynaha Jamhuuriya Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay wafdi uu horkacayo Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Eng. Maxbuub Macallin.

Kulankan, ayaa waxaa looga hadlay qabanqaabada Shir Madaxeedka wadammadda IGAD ee bisha soo socota lagu qaban doono magaalada Muqdisho, arrimaha amniga, siyaasadda, dhismaha maamulka gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, mashaariicda kaabeyaasha dhaqaalaha ee hay’adaha caalamiga iyo IGAD ka fulinayaan Soomaaliya iyo iskaashiga arrimaha horumarinta ee labada dhinac.

Madaxweynaha, ayaa wafdiga uga warbixiyey xaaladda dalka, diyaargarowga Shir Madaxeedka IGAD, horumarka dhinaca siyaasadda iyo amniga ee lagu tallaabsadey iyo qabanqaabada doorashada 2016.

Labada dhinac, ayaa isku afgartey dhammaan qodobadii ay ka wadahadleen, iyadoo Xoghayaha Guud ee IGAD Eng. Maxbuub uu sheegay inay IGAD si buuxda u taageereyso Soomaaliya, gaar ahaan barnaamijyada muhiimka u ah xilliga kala guurka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300