Published On: Thu, Aug 18th, 2016

Qarax Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho.

deg-deg-ah11Qarax loo adeegsadey  gaari laga soo buuxiyey Waxyaabo Qarxa ayaa ka dhacay caawa magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Federaalka ayaa lagu soo waramayaa in ay Baacsanayeen kooxaha watey gaariga laga soo buuxiyey Waxyaabaha Qarxa, kaasi oo markii ugu dambeysay looga tegey isgoyska Siinaay, Ayna ka carareen kooxihii watey, sida ilo kala duwan ay sheegayaan.

Qaraxa Gaariga ayaa lagu soo waramayaa in uu saameyn ku yeeshey oo uu gaarey Kaalin Shidaalka gaadiidka ay ka qaadan jireen oo ku taalay isgoyska, Halkaasi oo weli uu dab xoogan ka socdo.

Waxaan weli jirin Hadal si rasmi ah uga soo baxay laamaha Amaanka oo ku saabsan weerarkani iyo Qasaaraha uu geystey.

Qasaare Wuu jiraa, inkastoo tirooyin kala duwan oo la helaayo darted aanan soo bandhigin.

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300