Published On: Thu, Aug 18th, 2016

Kulan sagootin ah oo Madaxtooyada loogu sameeyay Danjiraha Burundi u fadhiyay Soomaaliya

burundi_photo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada kulan sagootin ah kula qaatey Danjiraha Jamhuuriyadda Burundi u fadhiya Soomaaliya, General Joseph Nkurunziza oo waqtiga xilkiisa Soomaaliya uu dhammaadey.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay safiirka sida wanaagsan ee uu u gutay waajibaadkiisa muddadii labada sanno ee uu dalkiisa wakiilka uga ahaa Soomaaliya.

“Waan ku faraxsanahay xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Burundi. Hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed waxay mahad gaar ah u hayaan Burundi iyo doorka geesinimada leh ee ay ku taageertay in ciidammadeeda ay qeyb ka noqdaan Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM). Taariikhda cusub ee qormeysa ee dalkeena ayay Burundi qeyb ka tahay. Adigana waxaan si gaar ah kaaga mahad celineynaa doorka aad ka qaadatey isku xirka, iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada dal’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa danjiraha ka codsadey inuu salaan ka gaarsiiyo Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza.
Safiirka waqtigiisa dhammaadey ee Burundi ayaa isna kulanka hadal ka jeediyay, waxaana uu uga mahad celiyay Madaxweynaha, mas’uuliyiinta kale ee dowladda iyo shacabka, sidii wanaagsaneyd ee ay ula shaqeeyeen intii uu joogay dalka.

Danjire Nkurunziza oo muddo laba sanno ah xilka hayey, ayaa ahaa safiirkii ugu horeeyay ee Jamhuuriyadda Burundi si rasmi ah ugu soo dirto Soomaaliya, kadib dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay.

burunsomsom

———————–DHAMMAAD———————–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300