Published On: Thu, Aug 18th, 2016

AMISOM oo beenisay in Madaafiic ay ku garaaceen Magaaladda Marka

Marka

Howgalka Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM, ayaa shalay oo Arbaco aheed diiday soo saaray warbixin diideysa in ciidamada AMISOM, ay madaafiic ku garaaceen dadka Deegaanka Magaaladda Marka.

Warsaxaafadeed ay soo saareen Midowga Africa ee AMISOM, ayaa lagu sheegay in aan waxba ka jirin war sheegaya in ciidamada AMISOM ay madaafiic ku weerareen dadka ku nool Marka.

Ciidamaa ayaa waxaa ay saldhig ay ku leeyihiin Xeradda Ayuub oo ku taala duleedka Magaalada Marka, ee xaruunta gobolka Shabeellaha Hoose.

” Madaafiicda ay dadka deegaanka ay maqleen waxaa ay aheed, hub ay ciidamadu ay tijaabinayaan, iyo dhaq-dhaqaaq ciidan, waxaa ku wargalinay maamulka degmada in hub ay ciidamdu ay tijaabinayaan ka hor inta aan la tijaabin hubka” . sidaasi waxaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Arbacadii lasoo dhaafay, dadka deegaanka oo la hadlay Baranaamijka Saaka iyo Soomaaliya ee ka baxa idaacadda Dalsan waxaa ay u sheegeen in ay magaaladda ka maqleen madaafiic iyo raasaas xoog badan oo ay sheegeen in ay qal-qal ay ku abuurtay.

Dadka deegaanka sidoo kale waxaa sheegeen in madaafiicda laga soo tuurayay Xerada Ayuub ee duleedka Magaalada Marka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Ciidamada AMISOM, lagu eedeeyay madaafiic iyo rasaas ay ku waxyeeleeyaan dadka ku nool deegaanadda ay joogaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300