Published On: Thu, Aug 18th, 2016

20 ruux oo ku dhaawacantay qarax gaari loo adeegsaday oo Turkiga ka dhacay

20 ruux qarax

Sida ay sheegayaan wararka laga helaayo dalka Turkiga gaari ayaa lagu qarxiyay xarun ciidamada Booliska ay ku leeyihiin oo ku taalo Gobolka Van ee dalkaasi.

Gaarigaasi lagu qarxiyay goobta Booliska ayaa waxaa ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac, laakiin Warbaahinta dalka Turkiga ayaa sheegaysa 20 ruux inay ku dhaawacmeen qaraxa gaariga.

Dadka dhaawacyada ugu badan ay soo saareen ayaa ahaa dad shacab ah oo ka agdhawaa goobta Booliska qaraxaasi lagula eegtay.

Saraakiisha ciidamada Booliska dalka Turkiga ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka ku aadan cid aka dambeysay qaraxaasi.

Ilaa hada ma jirto cid si gaar ah u sheegatay masuuliyada qaraxaasi inay ka dambeysay.

Dawladda Turkiga wali kama aysan hadlin qaraxaasi.

Mintidiin ka tirsan Kurdiyiinta ayaa aalaaba weerarro u gaysto saldhigyada ciidammada ammaanka ee dalka Turkiga

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300