Published On: Wed, Aug 17th, 2016

Madaxweynaha Somaliya “Dowlad deegaanka Somalida waxa ay ka tirsan tahay dalka Itoobiya

xasan sheekh

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cad u sheegay in Dowlad deegaanka Ismaamulka Somalida ee Jigjiga ay ka tirsan tahay Dowladda Itoobiya, xilli dhulkaasi uu yahay mid Somaliya ay leedahay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si aan ganbad laheyn u sheegay in Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya uu ku casuumay Dowlad deegaanka, hadii uusan casuumadaasi heli laheyna uusan tagi laheyn.

“Anigu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliya ayaan ahay Dowladdaas deegaankana, waxa ay ka tirsan tahay dalka Itoobiya, anigoon Dowladda Itoobiya casuumaad ka haysan dabcan ma tagi karo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa marti qaadkaasi inuu fidiyay.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale sheegay aragti ahaan inuusan qabin in la carqaladeeyo ammaanka dhulka Ismaamulka Somalida dalka Itoobiya, isaga oo si dadban weerar afka ah ugu qaaday Ururka ONLF.

“Hal mid oo mab da’ah inay cadahay ayaan rabnaa dadka noloshooda cidii carqaladeynaysa cudur daar malahan, horumarka iyo wanaaga aan halkaasi ku soo aragnay maanta cida dhahaysa waan xureynaynaa ma raacsanin, mana qabno arintaasi, dadka qaba Ra’yi Siyaasadeed inay wada hadal ku xaliyaan ayaan qabnaa.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Xasan oo wareysi siiyay Tv-ga Horn Cable.

Hadalka Madaxweynaha Somaliya ayaa u muuqda mid uu si toos ah dhulka Somaliya ugu xalaaleynaayo dalka Itoobiya, xilli dhulkaasi ay ka mid tahay meelaha Itoobiya ay xooga ku haysato maadaama dhul Somaliyed uu yahay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ah Madaxweynihii ugu horeeyay ee Somaliya ee taga Magaalada Jigjiga ee caasimada Dowlad deegaanka Ismaamulka Somalida Itoobiya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300