Published On: Tue, Aug 16th, 2016

guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo amaro dul dhigay Hoteelada ku yaal Magaalada Baledweyne

gu

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar, ayaa soo saaray awaamiir ku socota Hotelada iyo Maqaayadaha ku yaalo Magaalada Baledweyne.

Amarkaan ayaa ku aadan in Hotelada iyo Maqaayadaha ku yaalo Magaalada Baledweyne aanan lagu qaban karin Shirar uusan Maamulka ka warqabin, xilli Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan dhawaan ay iclaamiyeen inay dib u bilaabayaan Shirka Dib u heshiisiinta Beelaha wada dega Gobolka Hiiraan.

Yuusuf Axmed Hagar ayaa sheegay Hotelkii lagu qabto shir aanan Maamulka ka warqabin in ciidamada ammaanka ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.

Amarkaan ayaa soo baxay shalay oo Isniin ah, waxaana lagu soo saaray Warqad ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, iyadoo Taliska ammaanka Gobolkaasi la faray fulinta amarka ka soo baxay Guddoomiyaha. Daba-geed-oo-warqad

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300