Published On: Tue, Aug 16th, 2016

Askari Amisom ka tirsanaa oo Xabsi lagu xukumey. (SABABTA OGOOW)

Ciidamada Uganda

Sagaal ka mid ah Askarta Uganda ee ka tirsan howlgalka AMISOM ayaa xabsi lagu xukumay sababo la xiriira, si xun u dhaqankooda sida lagu sheegay war kasoo baxay AMISOM.

Askartan ayaa waxaa lagu xiray dambi ah inay ku lug lahaayeen ceersashada dano shaqsiyeed oo halis ku ah wax ku oolnimada ciidamada difaaca Uganda.

Sagaalka askari ee xabsiga lagu xukumay ayaa ka mid ahaa saraakiil ka tirsan AMISOM oo bishii June lagu xiray Muqdisho, xilli ay ku guda jireen iibsashada shidaalka ciidamada AMISOM

Maxkamad milatari oo ciidamada Uganda ay ku leeyihiin Muqdisho ayaa askartan ku ridday xukunka xabsi oo u dhaxeeya hal illaa saddex sano.

Ka sokow askarta xabsiga lagu xukumay, saddex askari oo kale ayaa sidoo kale laga eryey ciidanka, ayaga oo aan heli doonin wax lacag ah oo ku saabsan muddadii ay ciidanka u shaqeynayeen.

Askarta loo xiray falkan dambiga ah bishii June ayaa ahaa shan askari, hase yeeshee baaritaan kadib ayaa la ogaaday in tirada guud ee Askarta ku lugta leh falkan ay ahaayeen 18 askari, ayada oo lix ka mid ah dambiga lagu waayey.

XIGASHO VOA

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300