Published On: Sun, Aug 14th, 2016

Imaam Masjid oo lagu dilay Magaalada New York (Daawo Sawirada)

New-York993

Imaamka Masaajidka Degmada Queens ee Magaalada New York iyo nin kale oo la socday, ayaa waxaa Sabtidii lagu toogtay Degmadaasi, xilli ay Salaaddii Duhur ku soo tukadeen Masaajidkaasi, kuna sii jeedeen guryahooda.

Imaamka oo 55 jir ahaa, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maulama Akonjee, halka ninka kale ee lala dilay oo gacan-yarihiisa ahaa lagu magacaabi jiray Thara Uddin.

Dabley hubeysan oo aan heybtooda la garanayn, ayaa rasaas oodda kaga qaaday xubnahaasi, waxaana weerarka ka dib u suurtagashay inay ka baxsadaan halkaasi. Goobjooge ayaa sheegay ugu yaraan hal nin oo qori ku hubeysnaa uu madaxa ka toogtay Imaamka iyo gacan-yarihiisii.

Ma jirto cid ay xurgufi kala dhaxeysay labada nin ee la dilay, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Booliska ee Magaalada New York, waxay kaloo sheegeen inay wadaan baaritaano ku aadan cidii ka dambeysay dilkaasi.

Imaamka iyo gacan-yarihiisa, ayaa waxay labaduba u dhasheen Wadanka Bangladesh. Jaaliyadda Bangladesh ee Magaalada New York, ayaa dhigtay isu soo bax ay kaga soo horjeedaan dilkooda.

Dadka reer Bangladesh, ayaa waxay laamaha ammaanka ka codsadeen inay cadaaladda horkeenaan kuwii ka dambeeyay dilka Maulama Akonjee iyo Thara Uddin.

Dadkaan, ayaa waxay cambaarayn dusha kaga tuureen Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka, Donald Trump, ka dib markii ay ku eedeeyeen in uu abuuraayo naceyb ka dhan ah Muslimiinta.

Imaamka Masaajidka Al-furqan Jame, ayaa laba sano ka hor uun soo degay Magaalada New York, ka dib markii uu ka soo guuray Bangladesh.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA

New-York1 New-York1- New-York-1 New-York3 New-York4 Community members gather at the spot where Imam Alala Uddin Akongi was killed in the Queens borough of New York City Community members gather at the spot where Imam Alala Uddin Akongi was killed in the Queens borough of New York City Community members gather at the spot where Imam Aladdin Akounjy was killed in the Queens borough of New York City New-York9 New-York91 New-York92 New-York94 A crowd of community members gather at the place where Imam Maulama Akonjee was killed in the Queens borough of New York City New-York96 New-York97 A crowd of community members gather at the place where Imam Maulama Akonjee was killed in the Queens borough of New York City New-York991 A crowd of community members have a moment of silence at the place where Imam Maulama Akonjee was killed in the Queens borough of New York City

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300