Published On: Sun, Aug 14th, 2016

Askari ka tirsan ciidamada Nabad Suggida oo Darawal Mooto Bajaaj ku dilay Muqdisho (SAWIRRO)

B1

Askari ka tirsan ciidamada Nabad Suggida Somaliya ayaa saaka wuxuu Darawal Mooto Bajaaj ku dilay Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.

Dilka Ninkaan Darawalka Mooto Bajaajka ayaanan la garaneyn sababta ka dambeysay, hayeeshe Mootada ninka dhintay uu waday ayaa xabada waxa ay kaga taala Muraayada hore, taasi oo muujinayso in Darawalka hore laga toogtay.

Ciidamada Booliska ee jooga Isgoyska Sayidka ayaa gacanta ku dhigay Askariga Nabad Suggida ka tirsan ee dilka u geystay Ninka waday Mooto Bajaajta.

Waxaa la sheegay Askariga in la geeyay Saldhiga Degmada Waaberi, halkaasi oo uu ku xiran yahay, iyadoo Booliska meydka Ninkii Darawalka ahaa ay u qaadeen Xarunta Dambi Baarista ciidanka Booliska Somaliyed, si halkaasi baaritaano loogu sameeyo.

Mootadii uu watay ninka la dilay ayaa waxa ay hortaala Saldhiga Degmada Waaberi, waxaana la sheegayaa Booliska inay wadaan baaritaanka la xiriira sida dilka uu u dhacay.

Ciidamada Dowladda oo wata hubka Qaranka ayaa dilal bareer ah xilliyada qaarkood waxa ay u geystaan Dadka shacabka ah ee Magaalada Muqdisho ku nool.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA

B1 B2 B3 B4B5

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300