Published On: Fri, Aug 12th, 2016

Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Jigjiga

HASSAN-SHEIKH-620x330

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqasho ku joogga Magaalada Jigjiga, ayaa Khamiistii Xarunta Madaxtooyada Dowlad Deegaanada Somalida Itoobiya kula kulmay Odayaasha Dhaqanka, hawlwadeenada iyo shaqaalaha rayidka ee degaanka.

Madaxweynaha oo munaasabadaan uu ku wehliyay Madaxweynaha Dowlada Degaanka Somalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ka muuqda deegaanka, isagoo intaa ku darey inuu aaminsan yahay in guulaha la gaaray ay sabab u tahay wadashaqaynta iyo isku duubnida shacabka deegaanka.

Waxaa uu Madaxweynaha xusay in horumarka Gobolka Geeska Afrika uu ku xiran yahay hadba sida looga shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida, haddii labadaas la helana ay jiri karto rajo horumar dhan kasta ah lagu gaari karo.

“Somaliya waxay horumar la taaban karo ka sameysay dhinaca amniga. Waxaa dalka lagu qabanayaa doorashooyin. Ciidammada Midowga Afrika oo Ethiopia ay ka mid tahay ayaana gacan weyn naga siiyay inaan xasiloonida dalka ka shaqeyno. Waxaa labada dal ka go’an inay burburiyaan shabakadaha argagixisada ee nolosha u diiddan dadyowgeena. Waxaan shacabka ka dooneynaa inay nagu taageeraan halganka aan ugu jirno inaan gobolkan uga dhigno mid la tartama caalamka intiisa kale.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in shucuubta labada dal ee Somaliya iyo Itoobiya ay dhinacyo badan iska kaashan karaan, loona baahan yahay in la dedejiyo barnaamijyada suuragelinaya iskaashi dhaqaale oo dadyowga gobolka oo dhan ay ka faa’iideysan karaan.

Odayaasha Dhaqanka oo iyaguna halkaasi hadalo ka jeediyay, ayaa ku ammaanay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka Somaliyeed dadaalka ay ugu jiraan dib u dhiska Somaliya.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan, ayaa booqday Jaamacadda Magaalada Jigjiga oo ay dhigtaan arday tiradoodu gaareyso 21,000 oo qof. Jaamacaddan ayaa sidoo kale leh kulliyad takhasus Afka-Soomaaliga ah.

Goobaha kale ee uu Madaxweynuhu booqday waxaa ka mid ah goobaha ganacsiga iyo isagoo socod ku marey qaybo ka mid ah Magaalada Jigjiga.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300