Published On: Fri, Aug 12th, 2016

Maalinta Dhalinyarada Aduunka oo Muqdisho maanta laga xusey.

Nuux

Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga xusay maalinta Dhalinyarada Aduunka oo ku beegan 12-ka August.

Munaasabada lagu xusayay maalinta Dhalinyarada Aduunka ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Maxamed Cabdi Xasan Nuux, Wasiirada Dhalinyarada Maamulada dalka ka jira, Dhalinyaro iyo qeybahan kale ee bulshada.

Kulanka ayaa waxaa lagu maamuusayay Maalinta Dhalinyarada Aduunka oo maanta ku beegan, waxaana lagu soo bandhigay caqabadaha heysta Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay shaqo la’aanta heysata.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in Dhalinyarada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan amniga dalka.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa Dhalinyarada Soomaaliyeed ku booriyay in ay ka qeyb qaataan Doorka ay ku leeyihiin dib u dhiska dalka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300