Published On: Wed, Aug 10th, 2016

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka oo Imaaraadka Carabta kula kulmay Saraakiil Sar sare.

buud

Jeneral Maxamed Aadan Axmed (Buud) Taliyaha ciidamada Xooga dalka Somaliya oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Isu taga Imaaraadka Carabta ayaa kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Dowladda Imaaraadka Carabta.

Kulanka ayaa ahaa ahmiyadiisa sidii looga wada hadli lahaa taageerada Imaaraadka Carabta ay siiyaan Ciidamada Xooga dalka Somaliya.

Imaaraadka Carabta waxa ay gacanta ku hayaan dhismaha Isbitaalka Xooga dalka, halkaasi oo qarashkii lagu dhisay ay iyaga bixiyeen, sidoo kalena Maamulka Isbitaalka ay gacanta ku hayaan.

Jeneraal Buud ayaa Saraakiisha Imaaraadka uu la kulmay wuxuu kaga mahadceliyay Taageerada ay siiyaan ciidamada Xooga dalka Somaliya iyo dadaalada ay la garab taagan yihiin oo ku aadan dhismaha ciidamada Xooga dalka.

Dhankooda Saraakiisha ciidamada dalka Imaaraadka Carabta waxa ay balan qaadeen inay sii wadayaan taageerada ay siiyaan ciidamada Xooga dalka Somaliya.

Waxa ay sheegeen taageeradooda ujeedka ay ka leeyihiin inay dhismaha ciidamada iyo sidii loo soo nooleyn lahaa ciidankii Xooga dalka Somaliya.

Imaaraadka Carabta ayaa dhowr mar gaadiid ciidan ku wareejisay Dowladda Somaliya.

buud2 buud3

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300