Published On: Tue, Aug 9th, 2016

Shabaab oo la sheegay Shan gaari inay ku gubeen Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe

jilib

Ururka Al Shabaab ayaa la soo wariyay inay Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ay ku gubeen Shan gaari oo ay leeyihiin dad shacab ah, kadib markii Shabaabka ay ka shakiyeen gaadiidkaasi.

Al Shabaab ayaa la sheegay gaadiidkaan oo nooca raaxada ah inay geeyeen meel fagaare ah oo ku taalo Degmada Jilib, halkaasina ay dab ku qabadsiiyeen.

Sababta Baabuurtaan Shabaabka ay u gubeen ayaa la sheegay inay tahay, kadib markii ay ka shakiyeen inay ku xiran yihiin waxyaabo basaasnimo ah oo jiheeya inta badan Diyaaradaha Duqeynta ka geysta Degmada Jilib.

Qaar ka tirsan dadka ku nool Degmada Jilib, ayaa Warbaahinta gudaha waxa ay u sheegeen Shaki laga qaaday gaadiidkaasi awgeed inay sababtay in Shabaab ay gubaan Baabuurtaasi.

Baabuurta oo nooca raaxada ah ayaa la soo warinayaa inay sidaasi ku basbeeleen, iyadoo Shabaabka ay baaritaano dheeri ah ku hayaan dadkii lahaa Baabuurtaasi oo ku sugan Magaalada Jilib.

Horay Shabaabka waxa ay uga mamnuuceen Magaalooyinka ay gacanta ku hayaan isticmaalka Moobeelada Smart Phone oo ay ku eedeeyeen inay yihiin kuwa sahli kara arimaha Basaasnimada.

Diyaaradaha Drone-ska ayaa inta badan waxa ay duqeyn ka geystaan Gobolka Jubbada Dhexe, halkaasi oo ay ku sugan yihiin xubno sar sare oo Shabaab ka tirsan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300