Published On: Tue, Aug 9th, 2016

Safiirka Cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya oo Muqdisho yimid.

SA

Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Dhiira gelinta Maalgashiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/salaam Hadliye Cumar ayaa maanta ka guddoomay Nuqulka Waraaqaha Aqoonsiga Safiirka Dowladda Maraykanka u fadhiyi doona Magaalada Muqdisho Mr: Stephen M. Schwartz.

Kulan ay yeesheen labada dhinac waxay kaga wada hadleen arrimo u badan xiriirka labada dal iyo kordhinta taageerada mareykanka uu siiyo soomaaliya.

kulankaasi oo qaatay muddo saacad ku dhow ayaa labada mas’uul waxa ay kaga wada hadleen sidii labad dal ay isaga kaashan lahaayeen dhinaca siyaasadda amniga iyo mustaqbalka dhaqaalaha.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya u sheegay in Mareykanka Soomaaliya uu muddo dhinacyo badan ka ka taageerayay, hadana uu diyaar u yahay in uu sii xoojiyo taageerada uu soomaaliya siiyo gaar ahaan dhincayda horumarinta siyaasadda,amniga iyo kobcinta dhaqaalaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo dhirra gelinta maalgashiga Soomaaaliya Mudane C/salaam Hadliye Cumar ayaa uga mahad celiyay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen M. Schwartz sida Dowladda Mareykanka ay mar walba diyaar ugu tahay taageerada iyo garab istaagga Soomaaaliya.

ugu dambeyn Wasiirka arrimaha dibadda iyo dhiira gelinta maalgashiga Soomaaliya ayaa Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya waxa uu ka gudoomay salaan uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kaga waday Madaxweynaha Mareykanka Mr: Brack Obama taasoo Safiirka u marsiiyay Wasiirka Arimaha Dibada soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300