Published On: Mon, Aug 8th, 2016

Shabaab oo sheegtay Mas’uuliyada Qaraxii lagu weeraray Wasiir Nuux

al-shabaab-twitter-696x480

War qoraal ah oo Al-shabaab ay soo dhigeen Bararha wararkooda ay ku faafiyaan ayay ku sheegeen in uu ka fakaday Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xasan Nuux, kadib markii xalay fiidkii Qarax Bam ay ku weerareen gaari uu Wasiirka ka degay.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, xilli Wasiirka uu ku sugnaa goob laga dukaameysto oo ku taala Wadada Maka Al-Mukarama.

Al-shabaab ayaa sheegay in uu dirqi kaga baxsaday Wasiir Nuux islamarkaana Hal ka mid ah ilaaladiisa uu ku dhaawacmay Qaraxaasi.

Waxa ay ku hanjabeen Shabaabka in ay sii wadi doonaan beegsiga ay ku hayaan xubnaha la shaqeeya Dowladda Federalka Somaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300