Published On: Mon, Aug 8th, 2016

Midowga Afrika oo soo dhaweeyay ku dhawaaqista xilliga Doorashada Soomaaliya

xero-tababar-cusub-8

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aadan in la shaaciyo xilliga ay dhaceyso Doorashada Soomaaliya iyo sidoo kale xilliga la qabanayo Doorashada Madaxweynaha cusub oo ku beegan 30-ka October.

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa sidoo kale sheegay in muhiim ay aheyd in la shaaciyo jadwalka hanaanka Doorashada sidoo kalena Madasha Wadatashiga Qaran ay isku raacaan ka shaqeynta aayaha dalka.

Danjire Francisco Madeira ayaa sheegay in ay xoojinayaan Howlgalka Soomaaliya ee lagula dagaalamayo ururka Al-shabaab, sidoo kalena ciidanka AMISOM ay mar walba diyaar u yihiin in ay sugaan amaanka Soomaaliya ilaa ciidanka dowladda ay ka gaaraan isku filnaasho dhameystiran.

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa sidoo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay ka faa’idaystaan jadwalka Doorashada si buuxdana uga qayb galaan Doorashada Baarlamaanka cusub oo Aas aas u noqon doonta ra’yi uruurin soo socota 2020-ka marka la gaaro Doorasho ah nidaamka Hal cod iyo Hal Qof.

Shalay shir jaraa’id waxaa magaalada Muqdisho ku qabtay Gudoomiyaha Gudidga Hirgelinta Doorashada dadban ee dalka, waxaana uu sheegay qaabka ay u dhacayso doorashada iyo xiliga doorashada.

Cumar Maxamed Cabdulle Dhegey ayaa sheegay in Doorashada xubnaha Aqalka sare ee dalka ay dhacayso 25-ka September sidoo kale Doorashada Xildhibaannada waxa uu sheegay in ay dhacayso 24-ka September ilaa iyo 10-ka October.

Sidoo kale Doorashada Guddoomnka Baarlamaanka ayaa la shaaciyay in dhacayso 25-ka October.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Gudidga Hirgelinta Doorashada dadban ee dalka Cumar Maxamed Cabdulle Dhegey ayaa cadeeyay in Doorashada Madaxweynaha ay dhacayso 30 October.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300