Published On: Sun, Aug 7th, 2016

Wasiir Odawaa “Waxaan diyaar u ahay inaan u baneeyo Sheekh Maxamed Shaakir kursigaan Wasiirka Arimaha gudaha”

odawaa

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in Kursiga Wasiirka Arimaha Gudaha uu ku wareejiyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha maamulka Gobolada Dhexe.

Wasiir Odawaa ayaa sheegay hadii Ahlu Sunna ay qayb ka noqonayso Dowladda dhexe ee dalka la siinaayo xilal muhiim ah si ay u raacaan Dowladda.

Wuxuu sheegay Wasiirka dhowr cisho inuu hada ka hor ku hooyday Magaalada Dhuusamareeb oo uu wada hadal la galay Sheekh Maxamed Shaakir una sheegay Baarlamaanka, Saraakiisha ciidanka iyo Wasiirada in xilal laga siinaayo, balse Ahlu Sunna taasi ay ku qanci weysay.

“Aniga Afar habeen iyo Afar maalmood ayaan la soo joogay Sheekh Shaakir Dhuusamareeb waxaanan ka wada hadlin ma jirto anoo matalaya Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha, waxaan u sheegay Baarlamaanka, Maamulka Madaxdiisa iyo ciidamada inay wax ka qaataan, inay dadka u turaan waaye aas aaska, hada ayaan ku celinayaa Kursigaan Wasiirka Arimaha gudaha ayaan ku wareejinayaa, hadii uu ku qancaayo weli miiska ayuu u saaran yahay, laakiin waxaan rabaa qofka inuu dadkiisa u naxo dalkiisana u naxo, ogaadana dadka Somaliyed xagee u socdaan inay isku tagaan oo ay isku aruuraan, aniga waxaan aaminsanahay inay hada xalis mayaan Kooxdaasi iyo dadka Somaliyed meel kasta oo ay joogaan.” Ayuu yiri Wasiir Odawaa oo la hadlay Warbaahinta Dowladda.

Maamulka Ahlu Sunna ayaa dhowr mar waxaa kulamo kala duwan la qaatay Xubno ka tirsan Dowladda, waxaana loo sameeyay balan qaadyo ah inay xilal sare ka helayaan Dowladda, balse Ahlu Sunna ayaa arintaasi shaki weyn ka muujinaysa dhab ahaanshaheeda.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa awood muuqato waxa ay ku leeyihiin Gobolada dhexe ee dalka Somaliya, halkaasi oo ay aragti ahaan kaga soo horjeedaan Maamulka Galmudug ee fadhigiisa uu yahay Magaalada Cadaado.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300