Published On: Sun, Aug 7th, 2016

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma oo ka hadlay natiijada ANC

South African President and African National Congress (ANC) President Jacob Zuma leads hundreds of supporters in singing a song during a campaign event at the Inter-fellowship Church in Wentworth township, outside of Durban, on April 9, 2014, ahead of elections on May 7. AFP PHOTO / RAJESH JANTILAL

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma, ayaa ka hadlay natiijada aan wanaagsaneyn ee uu xisbigiisa kasoo hoyay doorashadii dowladaha hoose ee Arbacadii dalkaasi ka dhacday.

Madaxweyne Zuma ayaa sheegay in natiijada doorashada ay muujineyso in dalkaasi uu gaaray biseyl dhanka dimuqraadiyadda ah.

Xisbigiisa African National Congress (ANC) ayaa waxaa looga adkaaday qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn sida caasimadda Pretoria iyo magaalada Port Elizabeth.

Xisbiga mucaaradka ah ee Democratic Alliance ayaa ku guuleystay labadaasi magaalo.

Balse xisbiga ANC ayaa guul muhiim ah kasoo hoyay magaalada Johannesburg.

Natiijada doorashadan ayaa ah tii ugu xumeyd ee uu xisbiga la kulmo tan iyo markii uu awoodda dalka kala wareegay nidaamkii midab takoorka ku dhisnaa.

Denis Goldberg, oo ah rugcaddaa ka tirsan ANC, isla markaana lala maxkamadeeyay Nelson Mandela, ayaa guuldarrada xisbiga ku tilmaamay mid uu asaga isu keenay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300