Published On: Sun, Aug 7th, 2016

Isu soo bax maanta ka dhacaya Istanbul

TURKIA

Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta lagu qabanayaa isu soo bax weyn oo lagu cambaareyn doono isku-daygii afgambi ee dalkaasi ka dhacay bartamihii bishii hore, isla markaana lagu xusuusan doono dadkii ku dhintay.

Waxaa isu soo baxa ka qeybgali doona madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyib Erdogan, iyo axsaabta mucaaradka marka laga reebo kuwa Kurdiyiinta.

Goobta uu ka dhacayo isu soo baxa ayaa waxaa lagu rakibay cod baahiyayaal waaweyn, ayadoona ammaanka la adkeeyay.

Isu soo baxa ayaa loo arkaa mid lagu muujinayo mindimadda shacabka dalkaasi wajahaya xilliga adag.

Inkastoo qaar ka mid ah dadka Turkiga ay ka xunyihiin qaabka ay dowladda uga jawaabtay isku-daygii afgembi, ayaa haddana waxa badankooda ay sheegayaan in ay difaacayaan dimuqraadiyadda ay haystaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300