Published On: Sat, Aug 6th, 2016

Doorashada Soomaaliya 2016 oo Jadwal Cusub loo sameeyay (AKHRISO)

doorashada

Waxaa Dulqaadka.com u suuragashay inay hesho jadwalka Madasha Qaran ee Madaxda Soomaalida isla garteen inay ku dhacdo doorashada 2016 oo muddo laba bilood ah lagu daray.
Jadwalka ayaa muujinaya in doorashada madaxweynaha ay dhaceso 7 Novembar, halka doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ay dhici doonto 28-ka Oktoobar 2016.

Hoos ka akhriso Jadwalka cusub ee Doorashada:
August 2016

4 Aug – 6 Aug

Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga Doorashada Dadban ee heer gobol (SIEIT)
Ansaxinta tirada oday-dhaqameedyada tagaya goobaha dorashooyinka ay ka dhacayaan (tusmaynta madax dhaqameedyada )
Musharaxiinta hadii kursi hal qof kaliya u soo tartamo maxaa laga yeelaayaa?
Ansaxinta waajibaadka shaqo (TOR) Guddiga xallinta Khilaafaadka iyo Magacaabida xubnaha guddiga
Go’aan ka gaaridda hannaanka iyo goobta lagu soo dooranayo xubnaha labada aqal ee Somaliland; Shabellaha-dhexe & Hiiraan (hadii aysan dhisnayn ka hor xiliga doorashada);
Guddiga matalaadda xubnaha Aqalka Sare ee gobolka Banadir iyo howl-galintooda
Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga (Task Force-ka) ka shaqayn doono amniga dorashooyinka;
Habraac lagu xaqiijinaayo qoondada Haweenka ee 30% ee labada aqal ee Barlamaanka
Ansaxinta iyo Go’aan ka gaarista iyo soo bandhigidda Qorshe howleedka waqtiyeeysan iyo Miisaaniyadda Doorashooyinka 2016
7-13 August

Diyaarinta Xafiisyada GDGDD ee Xarumaha Doorashada
MHQ

14 Aug -20 Aug

Tababarka Guddiyada doorashooyinka federal iyo heer maamul Goboleed (GDGDD) (Mudadan waxay isugu jirtaa Imaanshaha iyo Noqoshada)
GFHDD/UN

21 Aug – 24 Aug

Tababarada 135 Madax dhaqameedyada
Qaadashada warqadaha Aqoonsiga .
GDGDD/GFHDD

September 2016

25 Aug – 10 Sep

135 ta Madax dhaqameed ayaa soo gudbinaya liiska magacyada ergada
Xalinta Khilaafaadka ee Ergooyinka
Shaqaalaynta iyo tababarada howlwadeenada doorashooyinka
Madax Dhaqameedka /GDGDD/GFHDD
25 September

Dhisida iyo soo gudbinta xildhibanada Aqalka Sare ee Dowlad Goboledyada dhisan ugu dambayn bisha September 25-da, 2016
MHQ

11-30 September

Baahinta Waqtiga Diiwaangalinta Musharixiinta
Hubinta shuruudaha Musharaxa iyo Diiwaangalintooda
Diiwaangalinta Korjoogtada.
GFHDD

October 2016

01-14 October

Doorashada Golaha shacabka
GDGDD/GFHDD

15- 17 October

Hubinta iyo ku dhawaaqidda natiijada kama dambaysta ah
GFHDD

18 October

Dhaarinta Golaha Shacabka
Maxkamadda Sare

28 October

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka
Baarlamaanka

7 November

Doorashada Madaxweynaha Jamuuriyadda Federalka Soomaliya

Xigasho: Dulqaadka.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300