Published On: Fri, Aug 5th, 2016

Masjid weyn oo laga dhisayo Athens

masjidka athens

Baarlamaanka Giriigga ayaa ansixiyay dhismaha masjid ku kacaya malaayiin dollar, oo laga dhisayo meel u dhow bartamaha caasimadda Athen, kharashkiisana ay bixineyso dowladda dalkaasi.

Xisbiga talada haya ee Syriza ayaa taageersan qorshahan, kaasoo looga gol leeyahay in lagu caawiyo tobanaanka kun ee muhaajiriinta Muslimka ah ee aan haysan meelo wanaagsan oo ay ku tukadaan.

Balse waxaa dhisidda masjidkaasi diidan xisbiyada wadaaga la ah Syriza, waxaana qaar ka mid ah xildhibaannada dalkaasi ay ka digayaan in lacagta umadda loo adeegsado mashruuc noocaasi ah, xilli ay dhaqaalo xumi ka taagan tahay Giriigga.

Qaar ka mid ah xisbiyadda midigta fog ayaa dowladda Giriigga ku tilmaamay mid Islaamka ku faafin rabta dalkaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300