Published On: Thu, Aug 4th, 2016

Wararkii ugu dambeeyay Qarax lagu weeraray Hooyga Taliyaha Howlgalada Ciidamada NISA

banbooyin

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax bam gacmeed ah oo xalay lagu weeraray Hooyga Taliyaha Howlgalada ciidamada Nabad Suggida Somaliya Maxamed Aadan Cumar.

Hooyga Taliyaha ayaa wuxuu ku yaalaa Degmada Dharkiinley, gaar ahaan Xaafada Suuq Boocle, halkaasi oo la soo wariyay in Khasaare uu ka dhashay Bam gacmeedka lagu weeraray xalay.

Goobjoogayaal la hadlay Warbaahinta gudaha waxa ay sheegeen in hal Askari uu ku dhintay Bamkaasi, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 3 Askari oo ka tirsan ilaalada Hooyga Taliyaha howlgalada ciidamada Nabad Suggida.

Sarkaalkaan xalay hooygiisa Bambada lagu weeraray ayaanan ka hadlin bamkaasi lagu tuuray gurigiisa.

Ciidamada Nabad Suggida Degmada Dharkiinley, ayaa qaraxa kadib waxa ay sameeyeen howlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo sidoo kalena lagu baadigoobaayo ruuxii ka dambeeyay bambada lagu tuuray guriga, inkastoo ilaa hada aanan la ogeyn cida ay ciidamada soo qabteen.

Dhalinyarada Shabaabka ka tirsan ayaa xilliyada habeenkii ah waxa ay la wareegaan bambooyinka gacanta laga tuuro oo ay ku raadiyaan goob un oo ciidan ay joogaan inay ku tuuraan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300