Published On: Wed, Aug 3rd, 2016

Safiirkii Soomaaliya ee Ruushka Danjire Maxamed Maxamuud Xandulle oo Geeriyooday

Ambassador-Mohamed-Mohamud-Handulle

Allaha u naxariistee Danjirihii Somalia uga wakiilka ahaa dalka Raashiya, Ambassador Mohamed Mohamud Xandulle ayaa saakayto ku geeriyooday caasimadda dalka Raashiya ee Moosko. .

Marxuum Maxamed Maxamuud Xandulle, waxa uu Safiir ka ahaa Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Moscow tan iyo sanadkiii 2007 xilligaasi oo uu diblomaasiyadda si rasmi ah ugu soo biiray.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omar iyo dhamaan Madaxda iyo Hawl-wadxeenadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjirihii Somalia ufadhiyey dalka Raashiya, Ambassador Mohamed Mohamud Handulle oo maanta ku geeriyooday caasimadda dalka Raashiya ee Mosko.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300