Published On: Tue, Aug 2nd, 2016

Uhuru Kenyatta oo Faransiiska uga cawday Tallaabadda ay EU-da ku jareen

uhu

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Faransiiska, Jean-Marc Ayrault oo booqasho ku jooga Nairobi.

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu ku booriyey Dowladda Faransiiska inay Dowladiisa ku taageeraan dadaalka lagu xaqiijinayo Ammaanka Gobalka iyo Deganaanshaha dalalka Somalia, South Sudan iyo Burundi.

Mar uu ka hadlayey Arrimaha Somalia, waxa uu walaac xooggan ka muujiyey Tallaabadda ay Dowladaha Midowga Europe ku jareen Dhaqaalihii ay siin jireen Hawlgalka AMISOM.

“Waxaa jira baahi si wax badan looga qabto Deganaanshaha Somalia. Lamana joogo xilligii ay Saaxiibadeenna la laaban lahaayeen Taageeradooda” ayuu yiri Uhuru Kenyatta.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Faransiiska, Jean-Marc Ayrault waxa uu Dowladda Kenya ku amaanay doorka ay ka qaadanayaan Soo-celinta Nabadda iyo Dib-u-dhiska dalalka Somalia iyo Koonfurta Sudan.

Wasiirka waxa uu tilmaamay inay ka taageerayaan Kenya iyo dalalka la deriska ah Dagaalka Alshabaab iyo dadaalka lagu xaqiijinayo Nabadda Gobalka.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay Kenya u hayaan qiimo weyn, gaar ahaan Istaraatijiyadda, Dhaqaalaha, Diplomaasiyadda iyo Horumarinta Gobalka.

Dhinaca kale, Wasiirka waxa uu Uhuru Kenyatta ku qanciyey inay Faransiiska taageerayaan Xaqiijinta sidii uu u sii wanaagsanaan lahaa Wada-shaqeynta u dhexeeysa Midowga Europe iyo Midowga Afrika ee Hawlaha Nabadda iyo Horumarka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300