Published On: Tue, Aug 2nd, 2016

Bambooyin Caawa lagu tuuray saldhiga degmada Howlwadaag

grenade-pic

Wararka caawa inaga soo gaaraya degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay Bambooyin ku tuureen saldhiga degmada Howlwadaag.

Inta la xaqiijiyay Bambooyinkan caawa lagu tuuray ayaa waxa uu dhaawac ka soo gaaray 2 Askari, sidoo kalena waxaa halkaasi ku geeryoodey wiil dhalinyaro ah oo u geeryoodey Rasaas ay fureen ciidanka.

Ciidamada amaanka iyo maamulka degmada Howlwadaag ayaa waxa ay gaareen goobta Bambooyinka lagu tuuray ee ah saldhiga degmada Howlwadaag.

Ciidamada amaanka degmada Howlwadaag ayaa waxa ay caawa howlgallo ka wadaan agagaarka saldhiga Howlwadaag, waxaana lagu raadinayaa kooxihii Bambooyinka soo tuuray.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300