Published On: Mon, Aug 1st, 2016

Xildhibaan Maxamed Xasan Qoone “Madasha Wadatashiga Sharci ma’ahan dad dano gaar ah leh ayaana wata”

xildhibaan

Xildhibaan Maxamed Xasan Qoone oo ka tirsa Baarlamaanka Somaliya ayaa si kulul wuxuu u weeraray Madasha Wadatashiga Qaran oo uu ku eedeeyay inysan sharci aheyn dhisamahooda.

Wuxuu sheegay Xidhibaan Qoone, ujeedada ka dambeysa Madashaasi inay tahay dad doonaya dana gaar ah inay fushadaan, islamarkaana dalka ay gacanta u geliyaa Kooxo kale.

Xildhibaaka wuxuu tilmaamay qorshaha loo dhisay Madasha inay tahay mid lagu daciifinaayo awooda Baarlamaanka Somaliya, sidoo kalen sharciga lagula hareermaraayo.

Madashu markii horeba sharci kuma fadhin oo sharci ma ahayn, waxay ahayd arrin baarlamaanka iyo dowladda lagu daciifinaayo oo ay keeneen dad dano gaar ah leh, Soomaalidu waxay tiraahdaa hal baadi ah nirig xalaal ah ma dhasho, marna ma aaminsani in madashu ay wax fiican keeni karo”. ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhibaanka ayaa ka hadlay sababta ugu weyn ee daganaanshiyo la’aanta dalku ay tahay shuruucda dalka oo aan la dhowreyn:

“Somaliya dhib badan ayaa soo maray dhowr iyo labaatankii sanno ee ugu dambeysay, Somaliya dowlad ayay ahayd iyo qaran la ictiraafsan yahay adduunka oo dhan, heerkan waxaa gaarsiiyay wax alaaliyo wixii lagu ballamo aan la fulineyn, shuruucda dalka oo aan la dhowreyn, madashu hadday qorshe keenaan waxaa laga rabaa iney iyagu qorshahaa fuliyaan kuna fuliyaan wakhtiga ay ku eeg yihiin Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ay ku sameeyaan, qorshaha ay sameeyaan haddii aaney fulin karin in markii horeba ay gaaraan may ahayn”.

Maalinta Beri ah ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho uu ka furmo Shir ay isugu imaanayaa Xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran, Shirkaasi oo looga hadli doono arimaha ku aadan Doorashooyinka dalka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300