Published On: Sun, Jul 31st, 2016

Soomaliland oo Ku Eedeysay Turkey-ga In ay u hiiliyeen Dowlada Soomaliya

Sacad-Cali-Shire
Xili dhawaan Safiirka Turky-ga ee u fadhiya soomaliya Ambassador Olgan Bekar, uu ku dhawaaqay in aysan aqoonsaneen Passaporka Maamulka Somali-land ayaa arrimahaas waxaa ka jawaabay Maamulka.

Wasiir Arimaha dibada maamulka Somali-land Dr Sacad Cali Shire oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii shalay kasoo yeeray Safiirka Turky-ga u fadhiya soomaliya Ambassador Olgan Bekar ee ku aadanaa in dowlada Turkey-ga aysan aqoonsaneen Passaporka Maamulka Somali-land.

Baasaboorkayaga waxaa lagu tagaa wadamo badan sida qaarada Yurub, Mareykanka , Aasiya iyo wadamo badan u Turkigu ku jiro, sidaad ogtihiin Turkiga Qunsuliyad ayuu ku leeyahay Hargeysa waana mid muujineysa astaanta qaranimadeena iyo jiritaankeena Ayuu yiri Wasiirka Arimaha Dibada Somali-land.

Dr Sacad Cali Shire ayaa Tilmaamay in Maamulka Somali-land uu yahay maamul ka madax banaan Somaliya inteeda kale kaliyah ay wali la yihiin aqoonsi rasmi ah oo ay ka helaan qaramada Midoobe waa siduu u dhigee.

Dhanka kale Wasiir Arimaha dibada maamulka Somali-land Dr Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay wada-hadaladii u dhaxeeyay Dowlada federaalka Soomaliya iyo Maamulka Somali-land isagoo eedeen u jeediyay Dowlada turkey-ga oo uu sheegay in ay tahay dowlad u janjeerta dhanka Dowlada Soomaliya islamarkaana loo baahan yahay dowlada Kale.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300