Published On: Sun, Jul 31st, 2016

Deg Deg: Weerar Qaraxyo ah oo lagau qaadey Xarunta CID-da Muqdisho.

cid

Labo Qarax oo mid ka mid ah uu aad u xoog badnaa ayaa goor dhoweyd lala eegtey Xarunta Dembi barista Booliiska CID (Criminal Investigation Department), magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in markii Qaraxa uu dhacey kadib ay rag hubeysan gudaha u galeen xaruntaasi, halkaasi oo ay bilaabeen in ay rasaas ridaan, iyadoo Booliiskana ay rasaas isweydaarsanayaan.

Goobjoogayaal goob ka dhaw ayaa sheegay in ay ciidamo badan oo gurmad ah ay gaareen goobta.

Waxaan la ogeyn ilaa iyo Hadda Qasaaraha ka dhashay weerarkani, iyadoo aysan jirin cid sheegatey ilaa iyo Hadda.

Ma jiro wax hadal ah oo ay dowlada federaalka ka soo saartey Weerarkan.

Wixii ku soo kordha waan idin soo gudbineynaa.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300