Published On: Sun, Jul 31st, 2016

DEG DEG: Qarax goordhow ka dhacay Muqdisho

Qaraxa
Qarax xoogan ayaa waxaa goordhow ka dhacay Isgoyska debka ee magaalada Muqdisho, kaasi oo la sheegay inuu ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo xiray gaari uu la socday mas’uul ka tirsanaa dowlada kaasi oo Qaraxa uu kasoo gaaray dhaawac culus.

Gaariga oo lagu soo xiray miino ayaa waxaa ku dhaawacmay wadihii waday iyo sidoo kale dad goobta ka agdhawaa sida ay kusoo waramayaan goobjoogayaal.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in shaqsigii watay gaariga uu soo gaaray dhaawac culus islamarkaana loo qaaday goobaha caafimaadka.

Goobta Qaraxa ayaa waxaa iminka buux dhaafiyay ciidamada amaanka waxaana sidoo kale xiran Isgooyska debka oo ah halka uu gaariga ku qarxay.

Baaritaano ayaa ku socda gaariga waxaana sidoo kale halkaasi ku sugan qaar kamid ah Saraakiisha Booliska degmada Waabari iyo Saraakiil kale.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300